Madaxweyne Biixi oo la kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee Saudi Arabia

Jeddah—Saudi Arabia(GM) Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kula kulmay Novambek Hotel ee ku yaal magaalada Jeddah Jaaliyada reer Somaliland ee Saudi Arabia.

 

Biixi wuxuu uga warrmay jaaliyada waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyi carqaladaha horyaala. Wuxuuna ku booriyey jaaliyada  in ay lacagtooda gashadaan  wadanka, oo ay ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah.Ama ay ka shaqeeyaan siday u keeni lahaayaan shirkado maalgashada wadanka. Waxa kaloo ku baraarujiyey jaaliyada inay ka shaqeeyaan isku xidhka Somaliland iyo caalamka.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares