Markab Talyaani oo ka badbaadiyey 65 Doon tahriib ah oo ka kaxaysay Libya

 

Markab xamuul qaada ayaa badbaadiyey 65 tahribiyaal  isugu jiray caruur iyo haween, kana qaxayey Libya. Dadkan oo sarrnaa doon la buux-dhaafiyey, alwaaxna ka samysan, waxay ku socdeen Yurub

Doonta oo motorkeeda istaagay waxaa arkay  diyaarad ay leeyiihin kooxda samafalka Seabird oo   kor  duulaysay badhtamaha  bada Mediterrranean. Kooxdan qaxotiga ma aysan xidhnayd qalabka badbaadiska bada.  Waxa ka badbaadiyey badweynta caalamiga markabka ASSO Ventinove, agagaarka ceelasha saliida Bouri,  ka dib codsi uga yimi ururka Seabird.Weriye ka kirtsan Associated Press ay oo la duulayey  diyaarda seabird  ayaa goobjoog ka ahaa badbaadintaas.

Ka dib waxa yimid doonyo  ka socday ciidanka xeebta Libya is ay u eegaan doontaas, Laakin waxa  caado u ah  maamulka Libya inay qaataan motorada doonyaha dadka laga badbaadiyo.

Asso Ventinove  sheegtay in dhamaan dadkii ay dabbaddisay oo ay ku jiraan 5 carruur ay caafimaaad qabaan.

Ila iyo sannadkan dad gaaraya 44,000 ayaa ka soo gudbay bada Mediterranean  gaaray Yurub.  Dadka  waxa soo qaada tahriibayaal isticmaala doonyo aan u qalmin safar badeed, waxayna ka soo qaaadan xeebaha Tuunisiya iyo Libya. Kalabadh dadka  waxay ku soo degaan Jasiirada Lampedusa, oo u jirta masaafo  ka yar waqoyi Afrika inta ay u jirto carriga Talyaaniga.

Ila Septmebet 25, in ka badan 25,000 oo qaxooti ah waxa qabtay ciidanka bada Libya oo ay tabareen Midowga Yurub.Waxaana lagu celiey wadan dagaal–baabiyey, warar laga soo xigtay UN.

Marka ay Libya ka degaan dadkan  tahriibaya oo u badan Afrikaan, waxa lagu xareeyaa goobo aad u liita, oo ay kala  kulmaan jidhdil, kufsi, Iyo  adonsi.

Waxa sanadkan ku dhintay badhtamaha bada Mediterranean, in ka badan 1,000 oo qof, xog ay xaqiijisay IOM, ururka UN u qaabilsan socdaalka.

Xigasho:AP

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares