Maxkamadda Hargeysa oo diiday inay bilowdo dhagaysiga dacwada xildhibaan Dhakool

Hargeysa-Guddoomiyaha golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku tilmaamay xadhiga xildhibaan Dhakool sharci jabin, waxaanu geesta kale sheegay inuu ka xunyahay qaabka uu Dhakool uga hadlay maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Gudoomiyaha maxkamada gobalka Maroodi-jeex Hargeysa Garsoore Cabdi Qawdhan oo shalay la horgeeyay xildhibaanka ayaa dib u celiyay isagoo diiday inuu dacwada loo haysto xildhibaanka, isagoo ku sababeeyay inaanu jirin sharci u ogolaanaya inuu maxkamadeeyo xildhibaan aanay weli golihii uu ka tirsanaa ka qaadin xasaanada.

Cabdi Qawdhan, gudoomiyaha maxkamada gobalka Maroodi-jeex, ayaa sheegay in aanay awood u laayn inay ka garnaqaan xildhibaan aan xasaanadii laga qaadin waxaana isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi“ Sharcibaynu leenahay oo dastuur ayaynu leenahay kaas ayaynu raacnaa oo aynu ku dhaqanaa, xildhibaan Dhakool waa lay horkeenay saaka ( Shalay ) xubinta golaha wakiilada ahna waa la qabanayaa hadduu danbi faraha kula jiro marka la qabto waxa si toos ah oo degdeg ah loo horgaynayaa golaha, golahii haddii aanu fadhiyina gudida joogtada ah ayaa la gaynayaa gudida joogtada kadibna kalfadhiga ugu horeeya ayay golaha hordhigaysaa, markaas mar haddii u xasaanadii uu sito oo aan laga qaadin xadhigu ma qabanaayo laakiin qabashadu waa ay qabanaysaa. ”

Waxa uu sheegay guddoomiyaha maxkamadu inay xildhibaanka celiyeen” Haa waanu celinay, qodobka 49 ee dastuurka ayaa noo sheegaya in xubintaas la qabto la horgeeyo baarlamaanka oo xasaanada lagaga qaadayaa, xildhibaan maxkamad la horgayn karaa ma jiro ilaa xasaanada laga soo qaado oo isaga oo bilaa xasaanad ah la horkeeno maxkamada markaas ayay talaabo qaadi kartaa, jaanis ayay haystaan boolisku ay ku horgeeyaan”

Guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe ayaa sheegay in CID-du ay u diiday inuu la kulmo xildhibaanka si uu xaalkiisa u soo ogaado, waxaanu xukuumada ku dhaliilay talaabooyinka ay qaadeen.   waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “ Waanu ka xunahay in xildhibaan qaranka ah uu yidhaahdo 18 May waa maalin madow, 18 May waa maalin qaran Somaliland ayaa wada leh dadka leh lama wada lahana kuma raacsanin shacabka Somaliland ayaana goostay 18 ka May in loo dabaal dego horena waa ay inoo soo martay 1-Julay oo Soomaalidu xoriyad qaadatay 21 Oct. Ayaa loo dabaal degi jiray, markaas shacabku waxa uu goostay in 18 May loo dabaal dego markaas aad iyo aad ayaanu uga xunahay in xildhibaan qaran uu yidhaahdo 18 May waa meelin madow  .”

Guddoomiye Baashe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “ Xildhibaanku rayigiisa ayuu dhiibtay dastuurka ayaana u fasaxaaya inuu rayigiisa dhiibto ama khalad ah ahaado ama sax waxaanuse ka xunahay xadhiga loo gaystay oo baal marsan sharciga, xildhibaanku waxa uu leeyahay xasaanad iyada oo xasaanadii la marin ayaa gurigiisa loo daatay waa la xidhay oo CID-da ayaa lagu xidhay qodobka 49-aad iyo ka 79-ba waxay sheegayaan xasaanada xildhibaanka lama xidhi karo,lama baadhi karo waxbana lama waydiin karo ilaa xasaanada laga qaado…”

“Laakiin hadda waanu dhagaysanay booliska in gurigiisa loo dhacayna waa naloo sheegay booliskuna markay hadlayeen waxa sheegeen qodobada u banaynaayay, laba casho ka hor ayuu xildhibaabku hadlay,isaga oo falkii gacanta kula jirana waa in la qabtaa markaas xildhibaanka iyo muwaadiniinta kaleba waa inay boolisku sifo sharci ah u maraan, xildhibaanka haddii kiis lagu hayo in lagu soo oogo ayay ahayd xeer ilaalinta la geeyo dabadeedna golaha la keeno oo la waydiisto in xasaanada laga qaado, laakiin isaga oo aan xasaanadii laga qaadin ayaa waxii oo dhan la maray gurigiisa loo dhacay,caruurtiisa iyo xaaskiisa oo hurda loogu dhacay xabsi la geeyay, saakana [shalay] in la geeyay maxkamada si loogu xalaaleeyo xadhigiisa, taasina waa danbi kale oo dastuur jabina, aniga oo guddoomiyahii baarlamaanka ah oo doonayay xildhibaanku waxa uu qabo inaan arko CID-dii waa ay diiday xaq ayaan u leeyahay inaan arko inuu wax qabo iyo inkale, markaas ku wada hadli  mayno warbaahinta, madaxweynaha,wasiirka daakhiliga iyo janankaba waxaanu u qornay waxa uu golahu uu ka qabo xadhiga Maxamed Axmed Dhakool.”, ayuu hadalkiisa Bssahe ku soo gabageeyey.

Geeska.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares