Rashiid Odowaa: Caqabaha horyaala saxaafada Somaliland

HargeisaMarka hore saxaafadda waxa loo tixgeliyaa inay tahay Rukun aad muhiim ugu ah Dowladnimada,waxa lagu tiriyaa inay tahay Tiirka afraad ee xukuumadaha Dimoqraadiga ah marka laga tago,Golaha fulinta,Golaha sharci dejinta iyo Golaha Garsoorka,waxa afar ku noqonaysa saxaafadda ayaa la rumaysan yahay,waxa saaran saxaafadda Masuuliyad aad u culus oo ka sarraysa sida ay moodayaan dad badani waxyaabaha saxaafadda laga rajaynayo waxa ka mid ah;-

Waxyaabaha laga rajaynayo saxaafada

1-Inay dadka daaha uga qaaddo wax kasta oo jira,taariikhdii laga soo gudbay, faallooyin iyo saadaasha mustaqbalka ku saabsan,waxa laga rabaa inay umadda ka haqabtirto barmaamijyo dhadhan samaynaya oo wax badan laga faaiidi karo.

2-Waxa laga rabaa warar ku dhisan xaqiiqo oo aan ahayn been iyo male awaal.ama waxa uu wariyuhu aaminsanyahay”objective”

3-waxa laga rabaa warar dhex dhexaad ah ,dheelli tiran oo aan dhinac u xaglinayn,xattaa wariyaha lagama rabo markuu war sheegayo inuu fikirkiisa iyo caadifaddiisa ku daro hadday taasi dhacdo waxa loo aqoonsan doonaa wariye dhinac ah.

4-waxa laga rabaa barmaamijyo xiiso leh,oo ku saabsan qaybaha kala duwan ee bulshada,waana in bulshada noocyadeedu iska dhex arkaan dhamaan,sida Haweenka,Dadka naafada,dhalinyarta,iwm oo qolo kastaaba iska dhex arkaan.

5-waa inay saxaafaddu noqottaa mid u adeegta,dadka aan hadli Karin ee loo yaqaan (Voiceless) sida dadka danyarta ah iyo dadka dantu u run sheegtay ee guryaha jiifa,iyo dadka laga awoodda badanyahay ee la dulmayo.

6-waxay saxaafaddu ilaalisaa ama ka daba qaylisaa “watch-dog” Danaha umadda,waxanay kaalin ilaaineed ku leedahay inay dabo gasho wixii khalad ku ah dal ahaan iyo dad ahaanba sida hantida iyo  Musuq-maasuqa,si waafaqsan milgaha saxaafaddaa,oo aan ahayn in hebel aad dan ka leedahay aad abaarto.

Dhibaatooyinka horyaalla saxaafada 

1-Dhibta hortaalla saxaafadda waxa ugu horraysa dhaqaale yaraan,saxaafaddu haddii aanay haysan cid dhiirri gelisa dabcan halkuu dhaqaaluhu la maro ayay raacaysaa.waxad marar badan arkaysaa wariyayaasha oo hadal haya ama isku eryanaya ama hadal haya  Qabax !!!!ama Caano!!!

2-Lahaansho; saxaafadda inta badan waxa leh shakhsiyaad,ganacsato ah oo faaiido raadis ah ama dan siyaasaded leh,sidaas darteed,wariyuhu wuxu ku khasbanyahay inuu fuliyo danta cidda leh saxaafadda oo uu sida ay rabaan u dhigo warka iyo barmaamijyada.

3-Waxbarashada iyo tabobarka oo ku yar shaqaalaha ka howlgala wakaladaha ama shirkadaha warbaahineed,waxanad mooddaa in loo qaattay in aan aqoon badan looba baahnayn ee loo baahanyahay afmiishaarnimo,fir-fircooni iyo la qabsi taas ayaana keeni karta khalad.

4-Dadka saxaafadda ka shaqeeyaa oo aan badanaa qiimaynin,dadka dhegaysanaya ama daawanayaa cidda ay yihiin,isla markaana aan ka daba tagin barmaamijyada ay sii daayaan qaabka ay dadweynuhu u xiisaynayaan.

5-Eeriyada “scope” ay ka hadlayaan oo iska kooban,matalan Siyaasadda oo keliya ayaa laga yaabaa inay  xoogga saaraan waxase fiican in la ballaadhiyo meelaha laga hadlayo oo waa in lagu soo daraa barmaamijyo badan sida Waxbarashada,Caafimaadka,taariikhda,maaweelo.Suugaan,Sheekooyin,Xayaysiisyo iwm.

Talo

SI loo helo saxaafad dheelitiran  oo horumarsan  waa in la qaadaa tallaabooyinkan hoos ku qoran;-

1-Waa in la helaa saxaafad madax banana oo aan cid u rahmanayn,oo xor ka ah dhinac kasta,sida dhaqaalaha,Siyaasadda,iyo Moralkaba.

2-Waa in kor loo qaadaa aqoonta dadka ka howlgala saxaafadda iyo tayadodaba hadday tahay wax barsho,waayo aragnimo,akhlaaq iyo si kastaba.

3-waa in il naxariis leh lagu eegaa saxaafadda oo la dhiirri geliyaa,maadaama ay dhalinyar badani ka shaqayso waana in loo maraa sifo sharci oo dhowrsoon marka lala xisaabtamayo haddii lagu eedeeyo danbi.waxana muhiim ah waddan kasta cidda siyaasadiisa arrimaha dibadda iib gaysaa waa Saxaafadda.

4-Waa in wakaalad kasta oo saxaafaded iyo wariye kastaaba uu ilaashadaa sumacddiisa oo isagu isla xisaabtamaa maxaa sax ah maxaa khalad ah.oo isagu isa saxaa oo faafreeb ku sameeyaa waxa uu gudbinayo (self-censorship),waxa kaloo saxafadda iyo suxufigaba la gudboon inuu ilaaliyo wixii ku saabsan arrimaha amniga Sida Ciidamada iyo inaanu sirta qaranka u gudbin waddan kale oo cadow la isu yahay.

5-Waa in saxaafaddu aanay aroor kasta ku soo kalihin,ama aanay xoogga saarin Siyaasadda oo keliya ee waa inay raadiyaan barmaamijyo badan oo xiiso leh.oo ku baxa Afafka caalamiga ah Sida Englisha iyo Arabic iwm

6-Waa in saxaafaddu noqottaa heer Caalami,oo ay ka warbixisaa arrimaha  Gobolka iyo caalamkaba ee aanau ku koobnaan uun Local.

7-Waa in xukuumaddu ka lahaattaa siyaasad,sidii saxaafadda loo horumarin lahaa ee loo gaadhsiin lahaa Heer Caalami.

8-waa in saxaafaddu ku dhaqantaa Code of Conduct caalamiga ah,iyo xeerka National ka ah ee u yaallaa hadba waddanka ay ka howl gelayso.

Rashiid Odowaa  M.A.Diplomacy and International Relations

Khadarsalaan@gmail.com.

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares