Rashiid Odowaa: Musuq-maasuqa  iyo halista ku  xeeran

Rashiid Odowaa: Musuq-maasuqa  iyo halista ku  KU xeeran

Erayga Musuq iyo Maasuq kolkiisa hore wuxu ka yimid afka qalaad (Corruption) oo iyadana laga soo dheegtay luqadda Latiinka oo ahayd “Corruptie” waxa lagu macneeyaa Khiyaamo,daacad darro,cid lagu aaminay hanti umadeed ka dibna leexsatay oo uga faaiidaystay danhiisa shakhsi, ama khaaska ah,Musuqu waxa la sheegaa inuu jiray intii aadmigu jirayba,masaaridii hore ayaa la sheegaa inuu ka soo shaac baxay Musuqu inta taariikhda la ogyahay.

“Sida uu qoray taariikhyahanka Baily Covender Sanadku markuu ahaa 1170 BCE waxa dhismihiisu socday mid ka mid ah ahraamta Masar gaar ahaan,ka loo yaqaan “GIZA” magaalada Deir al Madina wakhtigaas horena waxa la odhan jiray (Set macaat) magaaladan waxa deganaa,nimanka Engineerada ah ee aadka u yaqaanna Farshaxanka iyo dhismaha Ahraamta oo ahayd halkii la dhigi jiray ee lagu maamuusi jiray marka ay dhintaan Boqorradii Faraacida,

Haddaba waxa dhacday nimankaas farshaxanka ah markii ay dhisayeen Haramka loo yaqaanno GIZA waxa ka kala go’ay oo dib u dhac ku yimid mushqaayaddi, cuntadii iyo alaabadii loo soo dirayay,sabab amaan awgeed oo dhexda ayaa loo fadhiistay,ka dib iyagina shaqo joojin ayay sameeyen waxayna,waxayna bilaabeen inay xabaalihii kale ee boqorrada dib u qodaan oo macdanta iyo waxyaabaha lagu qurxiyay kala baxaan, oo ay ka iibiyaan dad yowga kale ee madaxda,in kastoo ay isku dayeen inay xaaladdas wax ka qabtaan boqortooyadii markaas jirta,haddana arrintii waxay noqotay Caan waxayna la baxday Musuq-maasuqii (set macaat).

Intaas wixi ka danbeyay waxa soo baxay kooxo Gangs ah oo ahraamta fadhataysta,waxa la xaday oo lagala baxay macdano Haramka kale ee la yidhaa “Tentakhamun” sidaas ayaa taariikhda ku gashay musuqmaasuqii Set Macaad ee Masar”

Aqoonyahano badan ayaa ku qiimeeyay in musuqu ka daranyahay dhul gariirka,ama masiboyinka dabiciga ah waayo!dhulgarirka waxa ku baxa tiro dad ah ama khasaare cayiman  oo la garan karo,laakiin,Musuqu wuxu galaaftaa ummado dhan.

NOOCYADA MUSUQ-MAASUQA

Musuqu aad iyo aad ayuu u midabbo iyo noocyo badan yahay,mana laha yar yaraysi, ha ahaado Musuq wayn ama musuq yar,(petty corruption and Grand Corruption),waxa ka mid ah noocyada musuqa;-

Laaluush toos ah,lacag la bixid,qof ka oo la siiyo shaqo aanu u qlmin,eexda iyo qaraaba kiilka,mushaharka beenta ah sida caaglaha,qofka oo laba shaqo ka wada xaadira isagoo madaxa tusaya,waraqaha iibka oo la beddelo “Double price invoice”  shahaado aanu qofku lahayn oo lagu maamuuso,balan qaad shaqo ama qandaraas aan tar tan loo gelin, taageero caawimo oo la siiyo dadka aan u baahnayn,qofka oo loogu hanjabo haddi uu lacag bixinwaayo in isagana howsha uu rabo aan loo qaban doonin,wax is dabmarin,Gobolaysi,qofka oo lagu jujuubo inuu iibsado alaab aanu rabin,alaab aan asal ahayn oo loo ekaysiiyo tii asalka ahayd Original’ Hadalka ama qoraalka oo la beddelo oo loo dhigo si aan ahayn sidii loola jeeday,dhaman noocyadaas iyo kuwo kaloo badan ayaa ka mid ah musuqa.

Diinta Islaamku meel aad iyo aad u adag ayay iska taagtay Musuqa,waana cadaab abaalkiisu,qofka maaha inuu u abtiriyo musuqa iyo tuugada oo uu kala xigtaysto qofka uu yahay hanti-boobku,waa isku mid haddii uu walalkaa yahay iyo haddi aad is ledahay wuu kaa dheeryahay,waayo waxa uu xadayayaa ama lunsanayaa waa hantidii dhexda ahayd ee lagu dhisi lahaa danta guud sida Waddoyinka,iskuulada,goobaha caafimadka,fayo dhowrka,wixi oo dhan ayuu qof iska qaattay,dee xaq uma laha waana khalad sidas darted waxa ku habboon in dhinac laga wada noqdo oo aanu helin meel uu ku gabado

                  ASTAAMAHA MUSUQA

Waddanka ama bulshada musuqa,sare u kaco waxa lagu arkaa astaamahan soo socda;-

1-dadka oo ku mama oo lacag ama dhaqaale raadis noqda

2-Adeegyada ay bixiyaan hayadaha Dowladdu oo yaraada

3-Maceeshada oo sare u kacda iyo kootada oo badata

4-dadka oo niyad jab ku yimaaddo.

5-baahida iyo fakhriga oo batta

6-Nabad gelyada oo xumaatta.

7-Tuugada iyo dhaca oo batta.

MAXAA LAGA DHAXLAA MUSUQA

Sida ay caddeeyeen,daraasado badan oo lasameeyay,waxa la ogaaday in wadammo badan,oo maanta dib loo dhisi kari waayay ama soo kaban waayay uu sabab u ahaa ama halka ay ka kici la’yihin  uu yahay,Musuq-maasuqu dalalkas waxa ka mid ah;-

Somalia,South-Sudan,Syria,Afghanistan,Yemen,Libiya, North korea,Venezuella,Eritrea,Chad,Repuplic of Congo, Simbabwe,Cambodia,Burundi,Haiti iyo qaarb kaloo badan halkaas waxa ka cad in Musuqa iyo bur-burka dalalkan ay ka dhaxayso xidhiidh,waddamadan dadkoodu waxay u qaybsamen wax qaxay,wax silic iyo dagaal ku nool,wax tahriibay,garo oo dalalkan ma aha faqri,qaarkod dahabkaa dibadda wadhan,qaar waxay leeyihin shidaalka ceydhin,

Bal hadda aynu garab dhigno waddamada musuqu ku yar yahay ee lagu tilmamo  ‘Zero Corruption’waxa ka mid ah Dalalka Denmark,New Zealand,Sweden,Norway.

Waddamadan aan kor ku xusnay waa meelo deggan,oo noloshoodu ay degantahay,nidaamkooda iyo habkooda dowladnimo wuu dhisanyay,halkaas waxa laga fahmayaa in yaraanta musuqu iyo Dowlad wanaaggu inay xidhiidh leeyihiin,haddi dhaqaalaha iyo cashuurta la farsamayso waxa hubaal ah inay ku fillaanayso dadka iyo dalkaba.

Waxyabaha laga dhaxlo Musuq-maasuqa waxa ka mid ah Dibu dhac iyo Horumar la’aan,Faqriga oo batta,dhaqanka iyo nolosha oo xumaata,nacayb iyo cadaawad ayuu beeraa,wuxu meesha ka saaraa is aaminkii iyo kalsoonida,wuxu keeni karaa nabad gelyo xumo iyo kala danbayn la’aan,waxa uu dumin karaa qaranimo iyo umadnimo tacab badan galay.

 SIDEE WAX LOOGA QABAN KARAA

Maaha musuqu wax cid ama hayad gaar ah farta lagu fiiqo,lkn waa aafo ku baahday waddamo badan oo Adduunka ah,waddamada uu la degay ishooda ayay ka muuqataa waddamada musuqa la dagaalamay waa waddamada nolosha raadsanayo ee badaha la isugu tuurayo,wax kale may samayn ww waxay cidhib tireen musuqa,haddaba tallaboyinkana ayaa muhiim ah in la qaado;-

1-Haddii uu geedku qallooc ku baxo mar keliya lama wada toosiyo,sidaas darteed waa in siyaasad loo dejiyaa Waa in kolka hore wacyi gelin  la sameeyo oo loo sheego umadda waxa uu yahay musuqu,dhaqan ahan iyo diin ahaan,qofka musuq yahanka ahi waa inuu umadda dhexdeeda ka noqdaa tuke canbaar leh,marka ay umaddu u aqoonsato,musuqa inuu yahay ceeb iyo wax dadka lagu takooro ayaa la gaadhi karaa Guul.

2-Isla xisaabtan in la helo oo daba gal joogto ah lagu hayo dadka meelaha muhiimka ah haya, oo tooshka lagu shido oo qofku is ogaado in laga  war hayo,waa in la ogaadaa dakhligiisa iyo lacagta Accounka ugu jirta.

3-In cawaaqib la mariyo qofka lagu helo musuqa,gaar ahaan waa in laga dillaa oo lagala dagaallamaa xagga moralka,oo sharafta laga xayubiyaa,shaqo danbena aan loo diran

4-Waa in qofka la diwaan geliyaa Hantidiisa,inta aan shaqada loo dhiibin,intaas uu xilka hayona laga war hayaa kolba tallaabada uu qaadayo

5-Waa in fiiro loo yeesho,qofka wax loo dhiibanayaa waa kuma dhaqankiisu waa noocee,ma yahay qof nadiif ah oo ka xor ah balwadaha xun xun.

6-Waa in qofka taariikhdiisa la baadhaa,sida uu bulshada ku dhex ahaa,inuu shaqooyin hore soo qabtay,imm

7-In la joogteeyo oo mar kasta dib u habayn lagu sameeyo hayadaha dowaladdda,ilaha dhaqaalaha iyo Bangiyada.

8-In lala Samaysto xidhiidh caalamiya,oo wada shaqayneed haydaha lacagaha adduunka Sida mashruuca PFM oo kale.

9-Waa in dadweynaha iyo xukuumadda uu ka dhexeeyaa xidhiidh iyo wada shaqayn,oo dadka su’aalo la waydiiyaa sida ay u arkaan hayadaha dowladda ma shaqeyeen mise waa fadhiid.

ALLAA MAHAD LEH

Rashiid Odowaa M.A.Diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares