Sanbalooshe: Sax ma aha in Somaliland u xidhnaato ‘Dad iyagu dhiigooda xaalaystay, oo is-cunaya, oo aan waxba kala maqlayn.’

Waxaan goor dhawayd daawaday waraysi uu bixiyey taliyihii hore ee nabadsugida Somalia, Sanbalooshe ee aragtidiisa ku aadan Somaliland.  Isagoo ka hadlayey Somaliland, waxa uu yidhi, ‘ Cida riixi jirtay Somali-wayn waa iyaga; cida Somalia kala dirtay waa reer konfureed.’ Sanbaloosha waxa kaloo yidhi dhibaatada Somalia waxay ka bilaabantay sida khaldan ee loo sameeyey midnimadii labada gobol ee Somaliyeed ee xorta noqday 1960. Waxay ahayd, ayuu Sanbalooshe yidhi,  inay labadii Wasiiro kowaad ee labada gobol kala maamulayey oo kala ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal, oo Waqooyiga madax ka ahaa, iyo Cabdilaahi Ciise, oo maamulayey dawaladii konfurta Somalia, inay dawlad midaysan soo dhisaan, laakin taasi maysan dhicin. Khaladka kale ee dhacay waxay ahayd, in Konfurta ay wada qaateen awoodi wadankii cusbaa ee Jamuhuriyda Somaliya.Halkaasna  dawlad midnimo lagu waayey.

Hadana, Sodon sano kadib, Jan 1991, markii xukunka laga tuuray kaliye-taliyahii Syaad Barre, shan maalmood ka dib dawlad ayaa looga dhawaaqay Muqdisho, wada tashi la’aan. Sida isagu u dhigay, dadkii reer Somaliland arrintaas waxay u qaateen qadarin la’aan iyo xukun boob.

Sabahaas ayuu ku saleeyey in reer konfureedku ay masuul ka yihiin kala taga Somalia.Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Somaliland waa dad tashaday ,waa taabaraysteen, wixii dhexdooda yaalay xaali-dhaley ay ka noqdeen, danahooda iyo dalkooda maamulayaan.”

Madaama ay Somaliland aayahooda ka tashadeen, Sanbalooshe waxa uu yidhi sax ma aha in Somaliland u xidhnaato, sida uu hadalku u dhigay, “Dad iyagu dhiigooda xaalaystay, oo is-cunaya, oo aan waxba kala maqlayn.”

Inta Somaliaya ay yeelan doonto, “hal maamul, hal ciidan, hal lacag , iyo hal talo ay konfurta ka yeelanayso,” waa inaynu fasaxnaa Somaliland, addunnkana u sheegnaa inay ula macaamisho Somaliland si gooni ah. Taladaas uu ninkaa geesiga sheegay waa xaqiiqda jirta, laakiin xaqiiq Somaliya kama shaqayso, runtana la iskuma sheego.

Aragtida Sanbalooshe waxa habbon inay qaataan siyaasiin badan oo reer Somaliland oo mar walba  u hanqal taaga Muqdishu aysanna  u muuqan sida reer Somaliland ay u xaliyeen arrmihaooda.

Sanbalooshe waa nin xog haya wax badanna og. Laakiin  waxaa hagaagsan  inay madaxda Somaliland ay maqlaan , qaataan talada Sanbalooshe.

Waa in la joojiyaa wada Somalia iyo Somaliland oo idl , haday furmayaana lagu xidho saddex qodob ee uu Sanbalooshe uu soo jeediyey. Wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxa hoosta ka riixaya ganacsato, wadamo shisheeye iyo siyaasiin reer Somaliland oo dano gaar leh.Waa inayu ka hormarinaa danaha dadweynaha mida ganacsatada iyo wadamada  shisheeye.

Gubanmedia aad baan u soo dhawaynaynaa hadalka geesinimada ee Sanbalooshe ee ku aadan Somaliland. Dad badan oo ay ku jiraan dadkii u sacabtumi jiray faqashta, Somaliland iyo Somalia,  nabar bay ku noqonaysaa runta Sanbalooshe maanta uu  sheegay. Waa in la xisaabtamaa sabatoo ah ummad dhan ayaa la baabiyey. Dadkii dambiyadaas masuul  ka ahaa waa in cadaalada la hor keeno, ee ma aha in marmarsiiyo loo yeelo, oo ah—‘Somali oo idil baa is dishay.’ Waa sheekada raqiis ah ay faqashtu ay iibinayso. Arrintaas waa inay joogsataa.

Daawo waraysigii Sanblooshe oo idil:

 

Ali-Guban

Editor, Gunamedia.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares