Silanyo oo u ambabaxay Ingiriiska


 

 

Harehysa, Somaliland-(GM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo  oo safar gaar ah ugu baxay dalka Ingiriiska Maanta oo ay taariikhdu tahay
18/02/2017, waxa safarka madaxweynaha ku wehelinaayey Marwada Koowaad ee
qaranka Somaliland Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha
gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Cali Axmed Cali, safarka oo
lagu wado inuu muddo laba todobaadka ah qaato ayaa saxaafada waxa uga
warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Xuseen
Aadan Cige (Deyr).

Dhinaca kale wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,
Mudnae Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Maaliyada Marwo
Samsam Cabdi Aadan, Amb. Baashe Cawil Cumar iyo Amb. Cali Xuseen Ismaaciil
(Cali Shoombe), ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay Imaaraadka
Carabta, halkaasi oo ay u tageen hawlo shaqo oo la xidhiidha heshiiskii
Dekeda Berbera ee DP World.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares