Silanyo oo u gudbiyey Guurtida heshiiskii doorashada 2017 ee xisbiyada

Hargeysa, Somaliland-Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa shirguddoonka golaha guurtida u gudbiyay dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada ee ahayd inay qabsoonto March 2017.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo arrintan la xidhiidha, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweynuhu shalay ka hor intii aanu dhoofin uu guddoomiyaha golaha guurtida gaadhsiiyay qoraal rasmi ah oo uu kaga dalbaday inay waajibaadkooda distooriga ah ka gutaan dib u dhacaas doorashada ku yimid, isagoo sidoo kale madaxweynuhu golaha guurtida xasuusiyay sida ay doorashadu muhiim ugu tahay dalka iyo weliba wakhtiga ay isla garteen kuna heshiiyeen xisbiyada iyo guddiga doorashadu oo ah in doorashadu qabsoonto Oktoobr 2017.

Geesta kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu maxkamadda sare u gudbiyo qoraal la xidhiidha dib u dhaca doorashada, maadaama oo ay maxkamadda sare hore u go’aaminsay inay doorashadu qabsoonto March 2017, taas oo sida muuqata uu isbedel ku yimid.

Kal-fadhiga golaha guurtida ayaa furmaya 23 February, lamana garan karo in golaha guurtidu ixtiraami doonaan is afgaradka ay gaadheen xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku oo ay muddo kordhinta ay madaxweynaha u samaynayaan ku salayn doonaan qaabkaas iyo inay mari doonaan jid kale oo ay muddo kordhin dheeraad ah ku dari doonaan wakhtiga la isku raacay.

Source: Geeska Afrika

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares