Somalia: Puntland oo ku guuldaraystay inay Talaabo ka Qaado Kufsigii Labada gabdhood ee Degmada Goldogob

Mogadishu, Somalia(HOL) – Odayaasha dhaqanka degmada Goldogob ayaa ku gacanseyray in dhalinyarradii dhawaan kufsi wadareedka geysatay loo wareejiiyo maxkamada gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo sheegay in maxkamadeynta dhalinyarrada ka dhici doonto degmada Goldogob oo ah halka ay kufsiga ka geysteen.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in khilaaf xoogan uu ka taagan yahay sida loola macaamilayo kiiska dhalinyarradan oo wali ku jira gacanta laamaha amniga, waxaana soconaya wada tashiyo ay leeyihiin culima’udiinka iyo qeybaha kale ee kiisankan uu quseeyo.

Wararkii ugu danbeeyay naga soo gaaraya Goldogob waxaa ay sheegayaan in culimada soo gabagabeeyeen baaritaankii ay ku hayeen waxa uu noqonayo xukunka kiiska dhalinyarada sidaa daraadeedna sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhawaaqayaan.

Saraakiisha amniga deegaanka ayaa sheegay in nabad-galyada siweyn loo xoojin doono ka hor inta aysan culimada ku dhawaaqin xukunka kiiska kufsiga ah.

Wararka ku saabsan kufsiga ka dhacay Goldogob oo siweyn ay u hadal hayaan bulshada Soomaalida ayaa waxaa muuqata in lagu kala aragti duwan yahay xukunka ay yeelanayaan dhalinyarada, hasse ahaatee ugu danbeyntii cida go’aankan laga sugayo ayaa ah culimada oo arinta ka eegi doonta dhinaca shareecada Islaamka.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares