Gobolka Saaxil: Koox ka qayb qaadatay socod 50km oo lagu xusayey mujaahidiintii SNM

Hudisa, Somaliland(GM)– Koox ka koobnayd  45  rag ah oo isaga  yimi dibeda iyo gudaha dalka ayaa  ka qayb qaatay socod 50km ah oo lagu xusayey mujahidiintii SNM. Kooxda oo socodkooda ka soo bilaabay tuulada Hudisa ee gobolka saaxil, waxay ku dhameeyeen magaalada Berbera. laakin, Socdokaas waxa dhammaystay oo keliya 9 qof, sidaan ka soo xiganay Aniis Cabdilaahi Ciise, oo degan Washington, DC, una  ololeeya qadiyada Somaliland. Aniis waxa kaloo intaa uu raaciyey,  inuu socodkon yahay socodkii sadeexaad ay qaban qaabiyaan ururkiisa. Labadii sano hore , socodka 50km waxa uu  ka dhacay inta u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeisa. Sanadka dambe, waxaa haboon in socodkan lagu  daro ardayda jaamacadaha dhigata. Waxaanu leenahay haddii aanu nahay Gubanmedia waa guul u soo hoyatay Somaliland in la xuso dadkii naftooda iyo maalkoda u huray xoriyada ay maanta cid walba sidii ay doonto fikradooda ay  ku cabirayso  ama ay u hadli  karto. Waa ilaahey mahadiisa. Laakiin, xoriyadu waxay u baahan ina la difaaco mar walbana la  xuso dadkii dhiigooda u huray.

Daawo videohan:

 

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares