Wasiirka ganacsiga oo war-war ka muujiyey dhul ganacsato laga siiyey Berbera

Berbera-Wasiirka ganacsiga Dr.Cumar Shucayb iyo maareeyihii hore ee dekeda Berbera Axmed Dirir haddana loo magacaabay maareeyaha hay’adda masiibooyinka ayaa wadajir uga qayliyay raasiga hareeraha dekeda Berbera oo dad shacab ah oo  la siiyay ay ka buuxiyeen ciid. Waxaanay tilmaameen in ciiddaasi ay soo buuxinayso dekeda. Isla markaasna aanay Somaliland lahayn qalab lagaga saaro. Waxay farriimo u direen Madaxweyne Siilaanyo oo uu mid ka mid ah masuuliyintani sheegay inuu hore ugu qoray qoraalo digniino ah.

Masuuliyiintan ayaa ku tilmaamay bixinta raasiga dekda Berbera mid khatar balaadhan ku haysa dekeda isla markaasna ay u gudbiyeen madaxweynuhu inuu wax ka qabto, walina aan talaabo laga qaadan. Masuuliyiintani waxa ay shalay arrintan kaga hadleen munaasibad uu xilka ku wareejiyay maareeyihii hore ee dekedda Berbera ee dhinaca dawladda Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Shucayb, ayaa yidhi “Raasiga horena waanu uga hadalnay imikana waanu ka hadlaynaa oo marka hore 5 CM oo ciid ah marna may iman jirin, laakiin haddii Watar bireegan  oo adduunka ugu fadhiya bilyanis doolar,  la jabiyo cida doonaysa ee madaxweynaha warqad kaga soo qaadatay ganacsatadu haddii laamigaas loo fasaxo way dhisanayaan waxaan leeyahay arintaas waa mid khatar ah uma baahnin in Watar bireegaas la jabiyo, cagafyadana waan in laga joojiyo oo laga ilaaliyo, dekeda haddii ay ciidu soo gasho cidna inooga saari mayso, dadkuna inay soo doontaan meelaha muhiimka ah maaha.”

Maareeye Dirir

Maareeyihii hore ee dekeda Berbera Axmed Dirir ayaa isaguna dhankiis faah faahin balaadhan ka bixiyay dhibaato uu sheegay in raasiga la bixiyay uu ku keenayo dekeda Berbera.  Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”Arinta qodista dekeda heshiiska ayay ku jirtaa inay Somaliland ka masuul tahay in la qodo oo ciida laga saaro waan ku celceliyay rayigayga ah in aynaan awoodaas lahayn ciidda lagu saarayo laakiin aynu raacino dhinaca DP World inay ka masuul tahay.

Markaas wasiirka maaliyada Samsam waxay balan qaaday inay gaadiidka lagu qodaayo iyadu soo iibinayso, aniga oo og culayskeeda iyo qiimaha uu ku kacaayo hadana markay dawladu balan qaaday, waxa lagu saxeexay heshiiska in aynu inagu masuul ka nahay.

Maantana hawl culus ayaa soo korodhay oo dekeda ciid badan soo galinaysa, waata la bixiyay dekeda hareeraheedii oo dhan raasigii waxa la siiyay dad gaar ah, ciid badan ayay dadkii dhigayaan, ciidaas habeen kasta badu way soo celinaysaa dekeday soo galinaysaa. Marka muddo la joogo way soo buuxsamaysaa dekedu. Ciidaaas inta badan baday soo gashaa dadkuna way ku soo celiyaanuun.

Markaas dekeda mushkilad uunbay ku soo haysaa. Arintaas raasiga iyo bixintiisa qoraalo badan iyo talo bixino badan oo hore ayaan uga diyaariyay maareeyuhuna arintaas waa uu daba gali doonaa. Madaxweynaha waxaan uga waramay taariikhda ay leedahay meeshani iyo in aanay haboonayn in la siiyo dad gaar ah oo ay tahay meel mustaqbalka dekeda ah.

Kolay dawladu go’aan uunbay ka qaadan kartaa laakiin imika dad gaar ah ayaa la siiyay, waana arin culays badan ku haysa dekeda.”

Geeska Afrika

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares