Yemeni ganacsigii hoose Soo gashay ayaa suuqii ka saartay jeeblihii Somaliand

Aduunka ma jiro waddan aad manta soo galayso ood barina kontaynar timir ah amma mid dhar ah aad soo waaridaysa.

Waddamadu waxay ilaaliyaan KOW , LABA , SADDEX “XUQUUDA MUWAADINKA

Somaliland waxaa ku soo battay yemen, Masaari Iyo Suuri . Dadkaasi wax badan oo wanaagsan ayay soo kordhiyeen, gaaar ahaan xaga dhismaha oo ay dhallin badan taba bareen. Wadankana guud ahaan way camireen.

Haseyeeshee qaar ka mid ah yementa, Masaarida iyo Suurigu waxay bilaabeen inay soo waaridaan qalab iyo raashin ay horeba ugu hawlanayeen Muwadiniin Reer Somaliland ahi.

Aduunka waxa lagama dhaqmo.

Dubai ayaa ugu xorsan gobolkan . Alaabta  aad Dubai keento laguuma ogola inaaad  Suuqa Emiratka ka iibiso . Waa inaan debadda u dhoofiso.

Waxaan dhawaan ka war helay jeeblayaal badan oo reer Somaliland ah oo khasaare badan galay iyo qaar kacay ka dib markii alaabtii ay keenayeen yemen iyo masaari ku eryeen.

Yementa iyo Masaaridu way ka rasmaal rooniyhiin Reer Somaliland . Waanay ka cilaaqwaad badan yihiin . Markaa waxay keenayaan alaab  aad u badan ooy jabnaan ku soo heleen.

Muwaadinka Somaliland waa jeebleh, Raasmaal xooga ma hayo , xidhiidho bandanna debadda kuma laha,  markaa lama baratami karo yemen iyo masaari.

Wasaardda gacasiga waxaan ku boorinayaa inay baadhitaan ku sameeyaan arrinkaas.

  • Waa in la xadiddo noocyada ganacsi ee dadka ajanibka ah loo ogol yahay.
  • Waa in cashuur gaar ah la saaro qofka ajnabiga ah ee shaqooyinka muwaadinku ka ceeshayo farah al soo gala.

Xasan Cadi Yuususf, Hargeisa Somaliland.

Retired Senior Banker & Geopolitical Analyst

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares