Maxkamadaha Somaliland oo wax ka qaban la kufsiga baahsan ee carruurta

Waxa naxdin wayn, amakaag iyo afkalaqaad ku noqday qofkasta oo damiir leh xukunka maxkamadda Racfaanka ee Burco ku ridday dhagar-qabayaal. Inan yar oo dhawr sano jirta, ayuu ninka hooyadeed qabaa,  kufsaday oo dabadeedna nafta ka gooyey. Kufsi iyo jidh-dil xun oo gabadhaa yar loo gaystay ayay u dhimatay. Xaakimku wuxuu yidhi waxay dhakhtaradii noo sheegeen in inanta yar jidhkeeda oo dhan meel fayow uuna lahayn. Jidh dil fool xun oo bani-aadaminamada ka baxsan ayaa lagu sameeyey ilmahaa yar ee waxba galabsan. Hooyada ilmahan yar dhashayna qayb ayay ku lahayd dambigan, sida Xaakimku sheegay. Inkastoo aanu faahfaahin doorka hooyadu dilkan bahalnimada ah ku lahayd. 

Waxa wax lala yaabay noqotay xukunka lagu riday dambiilayaashan. Waxa lagu xukumay 7 sano oo xadhig ah iyo guurkoodii oo la fasakhay. 
Suaashu waxa weeyi qof dilay ruux kale sidee 7 sano oo xadhig ah loogu xukamayaa? Dil muuna xukunkiisu dil ahayn? 
Dilku wuu kala naxdin badan yahay, arrintani dil kaliya maaha waa wax dil ka wayn, ummaddiina argagax ku riday. 
Yartu markay dhimatay 7 jir bay ahayd, sida saxaafadda qaar sheegeen. Laakiin imisa sano ayaa jidh- dil (torture) bilaa naxariisa lagu hayay ilmahan yar, inta ayna dhiman ee ayna naftu ka bixin? Xeer-ilaalintu kama hadal. Maxkamaddana hadalkeedba daa.
Aaway caddaaladdii ilmahaasi u baahnayd? Waxaynu caddaalad darro innagu u naqaan markaa reer hebel xukunka (kuraasta dawladda) lagu yareeyo. Ama marka siyaasi  af-dheer oo af-lagaado badan la soo xidho. Dabaqadda sare ee xukunka, kuraasta iyo cunista xoolaha dadwaynaha isku haysta ayaynu markay dhexdooda is qabsadaan caddaalad darro iwm u naqaan. Laakiin ma yeedhaanka, masaakiinta iyo intaan ka mid ahayn dabaqadda sare xuquuq ma leh. Arrinkoodana cidi kama hadasho xataa saxaafadda. 
Arrintan Burco maaha tu kaligeed taagan. Mana aha wax Burco iyo inantan yar ku kooban. Waa wax ka dhaca maalin walba magaalooyinka Somaliland. Kufsiga carruurta yaryar iyo jidh-dilkoodu waa wax ku badan waddanka. Laakiin xataa arrintoodu ma gaadho maxkamadaha, haddaan dhimasho iman. Xataa Booliiska ma gaadho, hadday gaadhana ma gudbiyaan. 
In xuquuqda carruurta lagu tunto waxa door ka ciyaaraya arrimo badan sida dhaqanka xun ee Soomaalida ee difaaca dambiilaha, qabiil awgeed, dawladda oo wax badan oo xeerka ciqaabta hoos iman lahaa u daysa suldaanada iyo caaqilada. Oday-dhaqameedkan  oo ku mamay dhiigga dan yarta, iyaga oo raba inay arrin wal oo dhacda ka odayeeyaan. Iyadoon dhibbanaha wax faaido ihi ugu jirin oo dambiilaha uun la badbaadinayo. Hay’adaha dawliga ah oo tayadoodu hoosayso.
Dadkeenu kufsi-carruureed baahsan dhaqan umay lahaan jirin, mana garanayaan si ay uga gaashaantaan oo ay uga hortaagaan. Markay dhacdana ma garanayaan arrintan siday uula dhaqmi lahaayeen. Kaaga darane waa arrin laga khajilayo in laga hadlo oo (taboo) ah.  Waalidka ilmihiisa la kufsadaa qaarkii wuu ka xishoonayaa inuu soo dacwoodo ama ilmaha geeyo dhakhtar. Kii soo dacwoodana booliska iyo xeer ilaalintu ma rabaan inay arrintan wax uga qabtaan. Kumana degdegayaan in qofkii falkan gaystay inay tallaabo sharciya ka qaadaan.
Carruurta waxa lagu kufsadaa mederasadaha,  iskuulada iyo guryahooga ay deggen yihiin. Dadka kufsanayaana waa qof ilmuhu yaqaan sida macalimiinta iyo dadka familkooda ah ee guryaha la deggen ama badiyaa booqasho ugu yimaad ee qaraabada ama asxaabta waalidka ka midka ah. Arrintan xigtanimadu waxay sii adkaynaysaa tallaabadii laga qaadi lahaa dambiilaha oo waxa waalidka culays badani kaga imanayaa familkii iyo qaraabadii iyagoo raba inay difaacaan oo asturaan ninkii falkan foosha xun gaystay. Ma jiraan ama aad bay u tiro yar yihiin ubad lagu kufsadaa dibadda (meel ka baxsan guryahooda ama xarumaha waxbarashada).
Waxaad cad in carruurtu wax xuquuq ah ku lahayn dalka. Xataa beryahan dambe waxa soo badanaya carruurta la tuuro, iyagoo muujo ah. Qaar waa tii dhowaan suuliyo laga soo saaray, inta ku dhimatay ee weli suuli ku jirtana Allaa og. Cidi ma raadiso oo lama daba galo ciddii lug ku lahayd tuurista ilmaha. Muhiimna kama aha agtooda xeer ilaalinta, booliska, baarlamanka, golaha wasiirada, cuqaasha iyo  suldaanada toona. Maxkamadaha Somaliland iyaga haba ka filan khayr. Dadkan aan soo tiriyey waa kuwii habdhaqanka dalka wax ka beddeli kari lahaa. Dadkeenu inta ilmo qof kale dhibi ku dhacayso ma damqadaan, maalintay kiisa ku dhacdana dhulkaa la gariira. 
Waxaan halkan hoose ku qorayaa sheeko ay ii wariyeen waalid ilmahooda falkan foosha xumi ku dhacay. Hooyada oo ka warramaysaa waxay sheegtay in wiilkooda oo dhowr jir ah macalinkii mederasaddu kufsaday. Ilmihii oo dhaawac ihi yimid gurigii. Ka dibna ay dhakhtarka ula carareen. 
Waxay sheegtay inay ninkii dacweeyeen oo lasoo xidhay, hase yeeshee laba cisho dabadeed la sii daayay. Markaanu maqallay in la sii daayay ayaan booliska u tagnay. Waxa lanagu yidhi labada caaqil(suldaan) ayaa heshiiyay oo arrinta labada reer ayaa dhameeyey!! Aniga iyo inankayga aabbihii waxba kamaanaan ogayn cidna nalama tashan. Meel kasta marnay oo ka dacwoonay cidina wax noo qaban wayday. Annagaaba aflagaado badan lanoo gaystay. Oo lanagu soo qaaday dagaal ay hoggaamiyaan  caaqilka iyo suldaanka reerkayagu. Waxay nagu yidhaahdeen dadka (macalinka) sharafta leh ha ceebaynina ee ka fadhiista magaalada.
Macallinkii shaqadiisii ayuu ka sii wataa meeshii oo maamulkii mederasadu way diideen inay tallaabo ka qaadaan. Bal ka fikir macallinkaa ogaaday inaan cidna wax ka qaadi karin, welina carruur gacanta ku haya!!!!!
sheekadii hooyada dhibbanaha intaa ayaan ku soo gaabiyey. 
Xeerka kufsiga ee cusubi arrintan wax buu ka qaban lahaa, haddii la hirgeliyo. Oo wuxuu xeerkani meesha ka saarayaa doorka oday-macawislaha (caaqilada) iyo koofiyad baclaha (suldaanada), kuwan oo diiddan in arrimahan maxkamadaha la horkeeno. Xeerkani wuxuu kale oo xuquuq badan siinayaa dhibbanaha. Laakiin waxa ayaan darro ah xeerkan oo baarlamaanku ansixiyey, madaxwaynuhuna saxeexay in ilaa imika aanu garsoorku hirgelin. Waa wax lala yaabo in xeer-ilaalintu ayna xeerka kufsiga adeegsan.
Nin xildhibaan golaha wakiilada ka ah oo la yidhaa Siciid Rooble ayaa maalin dhowayd yidhi hadal nacasnimo ah oon meelna haysan. Hadalkaasoo ah in wadaado hortaagan yihiin xeerka kufsiga. Wadaado, ama ururro kale oo bulsho waxay saamayn ku yeelan karaan xeer, intaan la ansixin ama aan madaxwaynuhu saxeexin. Laakiin xeerku wuu ka gudbay halkii cidi carqaladayn kari lahayd. Wadaadada oo wasiirka diintu horkacayo waxay hore u sheegeen inay xeerka kufsiga ayidsan yihiin, yahayna xeer carruurteena iyo dumarkeena xuquuq siinaya. 
Imikase waa xeer-laalinta iyo garsoorka kuwa looga fadhiyo inay xeerka hirgeliyaan. Xildhibaankani halkuu xeer-ilaaliyaha guud arrintan fulin la’aanteeda ku qabsan lahaa, ayuu cid aan shaqo ku lahayn xagxaganayaa.
Wa Billahi tawfiiq, 
A. Amir Bidde
Please follow and like us:
Whatsapp
Shares