Abwaan Weedhsame, oo maanso baroor diiq ah ka tiriyey geeridii marxum Xaaji Cabdikarim Xuseen Yusuf

“Kiiyoo Gabana isagoo gu’ boqol guud ka maray ayni,

Ma gabloolin kama gaagaxayn, gar iyo waanwaane,

Dharaar qudha kamuu gaabsan jirin waano Gedo weyne,” WEEDHSAME.

HARGAYSA- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamida Hal abuurka reer Somaliland ah ayaa maanso Baoor Diiq ah ka Tiriyay Geerida MARXUUM XAAJI CABDIKARIIM XUSEEN( CABDI WARAABE) OO SHALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARGAYSA KANA MID AHAA ODAYAASHA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND MUDO DHEERNA AHAA ODAY SAMO TALISNA OO MAANTA LAGU AASAY XABAALAHA TOON EE KOONFURTA MAGAALADA HARGAYSA

Geeriyeey gartaa weeyi adi inad qudh-goysaaye,

Galiilyada gedday weeyi anna gibil dubaaxshaaye,

Go’aanada ilaahay ma jiro Axad giriifaaye

Hayeeshee markuu geed-san jabo waad gilgilataaye,

Samo-taliye waligaa galbaday saw la garanayno?

Markay nabaddu gebi dheer kortee, guunyo lagu waayey,

Ee uu gacalku kala eedo galay, uurna kala guuray,

Ee gamaska dhiig lagu aslee, fiidka galaw y

Ee godobta lagu dhaashadee Gawrac lagu faanay,

Ee guriba gurigii ku xigay soodhka kula giirtay,

Gun markay gobtii noqotayee garasho dhaandhaantay,

Nin guntaday, xilkiisuna guboo, nabadda guubaabshay,

Nin yaqaan geddaafada xigtada gurudambayskeeda,

Nin ka giiga guutiyo coliyo guluf la heenseeyey,

Gar ilaahay waa lagu yiqiin garasho waayeele,

Inta uu gurmaday ee saqdhexe guure bahaleeyey,

Intuu geed u beeruu xornimo gole u waageeray,

Inta uu gudbooniyo sinnaan gurayey raadkooda,

Ee uu tiisa gaarka ah gambiyey saw la garan maayo?

Godob huursan, uur-xumo gingiman, ciilka kugu geydha,

Niman garar u liillayn naftoon xadhig ku soo giijin,

Gundhisaa, hoggaan goosataa, geyllan carataaba,

Gadh-qaadyaa ibleyskii gef-fale, gaalib taliyaaba,

Gaalleef inuu qaato oo gacan ku ciil beelo,

Waa dhaqanka guunkee gurracan ganacna aan layne,

Ninkii gudhiyey caadada gunta ah, aano gacal xaaqa,

Gar ilaahay saw maaha wali muumin garab-daar leh?

Waxa laga guntuu maalintaa geedka kaga baanay,

“Ninkaan gororka ii quudhinee igaga gaashaantay,

Sideen gumuc rasaas ugu dhuftaa waad kas-gadanteene,”

Siduu aarsi uga gaws-qabsaday saw la garan maayo?

Kiiyoo Gabana isagoo gu’ boqol guud ka maray ayni,

Ma gabloolin kama gaagaxayn, gar iyo waanwaane,

Dharaar qudha kamuu gaabsan jirin waano Gedo weyne

“Ha is ganina, ha is goyninaay, yaan la kala guurin,

“Gobtu waa gosheed tii la galo uunka lama gawdhsho,

Inu dhaax gadhoodhkii murtida gaawe nagu siiyey

Oo u gogol walaalnimo jecelaa saw la garan maayo?

Nin ka garasho dheeraa dadkuu guulle ku dhex beeray,

Welibana guyaal badan ogaa, galabba xaalkeeda

Welibana gabbood iyo ahaa gaadh-haye an seexan,

Welibana guddooniyo ahaa guurti lagu eerto

Welibana gar-eexiyo necbaa daallin garab-siinta

Oo gutay xilkiisii ragyahow galiya taariikhda.

Nimba goor la qaadaba Wedkii loogu xidhan geede,

Gellin baynu joog joogaynaa waan ka gudaynaaye,

Nimba wuxu galaa loo guntaa lagu gunneeyaaye,

Bari iyo galbeed iyo nugaal guban ilaa hawdka

Gadh madoobe, Guxushaa, haween, canug an qaan gaadhin

Geyigiyo dadkaagiyo Cabdoow Garangartii oo dhan,

Giddigood ilmay duugayeen duco ku gaadhnayde,

Galladiyo abaalkaad lahayd gocor ma moogayne,

Halkaad kaga gufaysnayd intaa gocasho eegaysay,

Ee dib u galaayuusaysaa gibin yar maahayne,

Gego nagu bannaan buu lahaa gebi dadkaagiiye.

 Godku kuma cidhiidhyoo qabrigu guri nabaadiino,

Galbataye ilaahay ku gee daaha garabkiisa.

Annagana samaantuu guyaal noogu gacan haadshay,

Rabbiyoow na garansii aday taadu gudubtaaye.

ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL (WEEDHSAME)

Wajaale News.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares