Kenya oo shaacisay sababta duulimaadyadii Nairobi iyo Muqdisho ay u joojisay

Mogadishu–Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay Saacado kadib sabab yaableh u yeshay joojinta diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho ee sida toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada dalka Kenya ayaa shaaciyay in sabab la xiriirta dhanka amaanka loo joojiyay diyaaradaha ka tagayay magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Gilbert Kibe ayaa sheegay in sababta dhanka amaanka ah ay keentay in diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer.

Wuxuu intaas ku daray inay arrintan socon doonto muddo saddex blilood ah ilaa 9 August 2019, xiligaas oo dib u eegis lagu sameyn doono inay sii socoto iyo in la qaado oo diyaaradaha Muqdisho ka yimaada loo ogoloaado inay toos ugu degaan magaalada Nairobi.

Kenya ayaa seddex maalin ka hor cadeysay inay joojisay diyaaradaha tooska u tagi jiray garoonka Jommo Kenyatta, islamarkaana lagu baari doono magaalada Wajeer.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay go’aanka dowladda Kenya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan oo gobolka ku yaala.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso.
Please follow and like us:
Whatsapp
Shares