Dr Gaboose, dalka waxa qaybiyey ninkii doorashada laga guuleystay ee diidey!

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafadda guud ahaan, gaar ahaanba,”ASCWW”
Intaasi kadib maanta waxaa saxaafadda gudaha Ee Somaliland, gaar ahaan Hargeysa la hadlaayey Dr Maxamed Cabdi Gaboose, runtii anigu Dr. Gaboose waxa uu ahaa dadka aan taageersanaa, una hanweynaa balse hadalkiisa Maanta way ka hoostay erayada uu isticmaaley, sida Jeegaan iyo wax la midka ah.
Dr gaboose waxaan moodaayey in uu fahansan yahey macnaha dimuquraadiyadda oo ah in qof kastaaba codkiisa xor u yahay magaca uu doono ha sito ee in lagu aflgaadeeyana aanayn habooneyn.
Haddaba Dr Gaboose ma waxa uu caayey dadka codkooda bixiyey?.
Mida kale Dr gaboose hadalkiisa waxa ka muuqda cadho badan, daadufayn, iyo aflagaadooyin qaaawan.
Hadaba Dr gaboose miyaanu ogeyn in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani diidey natiijadii doorshada ee lagaga badiyey dadkana been u sheegay oo uu yidhi waa la iboobay?, hadduuse hadlaayo miyuu nin walba runta u sheego wixiisu ma hiilbaa?
Ugu danbayn waxaan odhan lahaa Dhakhtarka, dadku Codkooda waa u xor ninka leh maxaa la iga badiyey iyo haddii la iga badiyey dhulkaan gubayaa oo hala rogmado waa Xisbigaad ka tirsanayd. Ee waddani ee ogow.
Dadkana waxaan jirin how sheegin Nin Qaran ayaan kuu haystey balse maanta waxaad noqotay Nin Qabiil.
Qore: Tahir hussein
Please follow and like us:
Whatsapp
Shares