Faallo: Caarre ma ciidanka JSL buu yahay mise reer?

“Wax u diiddan baa jira Faraskana durduradee” Abw. Gaariye.

Sideedaba arimaha Ciidanku way ka madaxbanaan yihiin Siyaasad, Reero ama Beelo, dhexdooda yooyootama in Ciidan qaran reer loo nisbeeyo oo khalkhal lagaliyo ma qurux badna, meesha qudha ee qabyaalad ka fayoobi waa Ciidanka Qaranka JSL.

Col. Caare maaha hogaamiye beeleed ee waa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Militaryga arintiisa nidaam ciidanimo in lagu dhameeyo baa haboon.  Madaxdhaqameedku nabad ayay ka shaqaynayeen, hadiiba waxay qoonsadeen ku jiray hadalkii Gen. Taani kaga hadlay arinta Caare inay markiiba ka falceliyaan oo qaranimadii ay marada ka tuuraan may ahayn, inay wax hubsadaan ayaa ila qumanayd oo nabadii iyo wanaagii ay ka shaqaynayeen aanay fudaydsan.

Laakiin inay ku tiraabaan faraha ayaanu ka qaadnay oo xadhigii nabada waanu sii daynay waa foolxumo wayn oo qaranka laf jab ku ah, waana sawir muujinaya halka ay ka taagan yihiin arinta Caare oo u muuqata in laga kaxeeyay meeqaamkii Ciidanimo oo Beel ama Reer loo duway. Maansadii Daba-taxan ee IHN Abw. Gaariye waxa ku jiray bayd odhanaya

“Digdig iyo mutuhis iyo

Dul-ka-xaadis mooyee

Bal si daawo loo helo

Darsa eelka lama odhan”.

Sideedaba, Dawada lama helo ilaa nabarka hoos loogu dhaadhaco, Arinta Caare xalkeedu waa in lagu dhameeyo qanuunka Ciidanka u degsan hadii suluxii wanaagsanaa waxba ku dhamaan waayeen nuxurka hadalkii Taliyaha Ciidanka Milaterygu intaas buu xambaarsanaa aragtidayda. Waxaanan qabaa in arinta Caare dariiq Ciidanimo lagu dhameeyo maadaama uu yahay Sarkaal ciidanka qaranka oo danbi ka galay qarankiisa. Madaxweynahu wuxuu ku adkaystay in arinta Caare sharciga loo maro oo nidaam ciidan lagu dhameeyo.

“Dun baa meel ka xidhan weli

Goldalooladiinnuna

Door bay ku leedahay” Abw. Gaariye IHN

Hadaba; waxa nasiib daro ah in Taliyaha Ciidanka Qaranka si qaawan loo wareero oo xajiin aanu lahayn la marmariyo. Meesha qudha ee qabyaalad ka fayoobi waa Ciidamada Qaranka, waxan soo jeedin lahaa inaan arimaha ciidanka reero loo badalin. Madaxdhaqameedkana anoo sharaf iyo wanaag u haya waxaan leeyahay qaranimada tiir adag baad ka tahiine inaad u tudhaan oo hadalada xanafta leh laga fiirsado, inaan arimaha ciidanka la siyaasadayn ee wixii qaloocma uun la toosiyo  oo fudaydka laga foojignaado si aanay bulshadu u kala fogaan.

Wadajirka iyo Midnimada Somaliland

Wabilahi tawfiiq.

QALINKII; Maxamed Aadan (Gacayte)

Uf qabiilka anaa leh.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares