Muhammed Dhimbil: Somaliland talo ugama baahna kaliye-taliyaha Jabuuti

Siyaasi Maxamed Dhimbiil oo kamida aqoonyahanka reer Somaliland ee badi falanqeeya siyaasada Somaliland waxa ka dhacaya geeska ayaa si kulul uga dareen celiyay hadalo safiirka jabuuti u fadhiya Somaliland ugu jawaabayay gudoomiyaha xisbiga Ucid oo dhaliilay madaxwaynaha jabuuti ismaaciil cumar geele.

Siyaasi dhimbiil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in qunsul yar oo hargaysa ujooga dalka jabuuti uu ereyo aflagaado ku ah dawladnimada Somaliland lasoo fadhiisto warbaahinta isagoo dhanka kale sheegay in aanay suurto gal ahayn in uu Somaliland xukumo madaxwayne jabuuti wax looga yeedhiyo.

Isagoo arimahaasi ka hadlayana Wuxu yidhi;

“MA SOMALILAND BAA U MANO SHEEGAN LAHAYD DJIBOUTI MISE DJIBOUTI OO AAN WAXBA INA GASHAN AYAA INOO MANO SHEEGAN KARTA ?Dhimbiil.

Safiirka Djibouti Ee somaliland oo faysal cali waraabe la hadlaya ayaan daawaday bal hadalkiisa markaad maqashaan dhagaysta reer somalilandoow … tana miyey inoo dambaysay !!!

Goorma Ayuu Ismail Omer Madaxwayne Somali u Noqday ?.

Hadalada safiirku waa hanjabaad , waa cagajugleyn , waa mano sheegasho , waxa ay cay iyo af lagaado ku yihiin hanaanka dimuqaradiyada , dawladnimada somaliland , wax isku ahaanshaha dadka reer djibouti iyo dadka reer somaliland iyo xidhiidhka labada dal.

Dadka reer djibouti ayaa ka jawaabi doona oo ka garsoori doona hadalada safiirka dawlada Djibouti iyo gudoomiyaha xisbiga ucid ee Somaliland , somaialnd waa dal talow wadaag iyo dimurqaradi ah ee maaha dal kalitalis ah ama nidaamkiisu u curduduuban yahay cid gaar ah .

Waxa aan leeyahay safiirka Djibouti hadii Muuse Biixi maxbuus aad maamushaan idiin noqday somaliland maamuli maysaan oo wallahiya inta hal qof naga nool yahay , been maaha in dawlada Djibouti aanay somaliland waxba u ogoleyn oo ay diidan tahay taasi waanu haynaa maragyadeedii , laakiin dadka reer Djibouti waa dadkayagii waa walaaladayo waa ehelkayagii xurmo ayaanu u haynaa iyaga marwalba .

Waxa marag ma doon ah in madaxweynaha iyo xukuumada Djibouti ay rabto in ay dhaqaalaha geeska africa oo dhan iyadu leexsato oo aanay rabin in cid kale madaxa kor u soo qaado oo ay wax noqoto , somaliland na waxa ay u aragtaa dal ka strategysan oo ku soo baxaya ama wax la qaybsan kara oo ma rabto .

Waxa marag ma doon ah in dawlada Djibouti iyo madaxwayne Ghele in aanay waxba tarin umada somaliland iyo dalka jamhuriyada somaliland ee cida ay wax taraan tahay dawlada somalia ee muqdisho ka dhisan , waxa sheegan kara in ay Djibouti dhiseen dadka reer somaliland oo dhaqaale , xoog iyo hiil iyo hooba la garab taagnaa ilaa gobanimo doonkii .

Waxa aan qarsoonayan maamulka Ismail omer cadaadiska uu ku hayo ganacsatada reer somaliland iyo ganacsatada reer Djibouti ee somaliland ka soo jeeda oo ahaa dadkii dawlada Djibouti dhidibada u taagey ee halkaa soo gaadhsiiyey , waxaa ay maraysaa in dalka maalinba shaqsi uga cararo maamulka madaxwayne Geelle dartii , taasi oo xumaan ka dhex abuuri karta dadka reer somaliland iyo dadka reer Djibouti oo ah dad walaalo ah ehel ah oo aan meelna kala tagayn , laakiin habdhaqanka iyo cadaadiska isirka ku dhisani uu keeni karo in la kala fogaado oo xumaani dhacdo .​

Waxa aan safiirka u sheegayaa in somailand siyaasadeeda gobolku tahay daris wanaag iyo is ixtiraam , somaliland dalwalba inta uu ixtiraamo ee qadiyadeeda soo dhaweeyo ee uu og yahay kaalinta nabdgalyo ee ay geeska kaga jirto , kaalinta argagixiso la dirir ee ay geedka kaga jirto , kaalinta dhaqaale iyo wax isdhaafsi ee ay geeska kaga jirto , kaalinta dimuqaradiyada , xorayatul qawlka iyo xuquuqal insaanka ee ay geeska kaga jirto in leeg ayaanu ixtiraami doonaa oo uu xidhiidhkayagu ka sii wanaagsanaan doonaa .

Somaliland waa dadkii walaalnimada umada somaliyeed ka shaqaynayey ee marwalba ku hawlanaa qiimaha qofka somaliga ahi yeelanayaa in uu ku jiro shanta somaliyed oo midowda laakiin abaalkii ay somali gashatay may helin oo xumaan baa loogu abaal guday , waa wanaag iyo taariikh dadka reer somaliland leeyihiin .

Somaliland waa dalka hogaamiya dimuqaradiyada iyo doorashooyinka geeska africa , waa dalka ugu dedaal badan geeska africa argagixiso la dirrika iyo fikirada xagjirnimada ah iyada oo aan dhaqaale iyo kaalmo midna ka helin dunida ayey tahay dalka ugu nabadgalyo wanaagsan , arimahani iyo dedaaladan waxa ay ku mutaysatay cadaawado badan iyo dagaalo diblomasiyadeed oo ay ku soo qaaday dawlada somalia iyo wadamada xulafada la ahi taasi oo la rabo in soamlialnd xasilooni daro laga rido , laakiin dadka reer somaliland way soo jeedaan waanay ka warqabaan sida wax u socdaan iyo dagaalka lagu hayo .

QALINKII; Siyaasi Muhamed Dhimbiil.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares