Muxuu Muuse Biixi uga soo horjeedaa inay Gabiley noqoto gobol?

Ma waxeydun maalin walba sacabka u tumi nin idin neceb isir iyo asraarba oo hore loo arkey oo maalmo badan loo soo joogay waxa uurkiisa kujira ee afku ka xadey: haday noqoto beelwaynta Jibriil Abokor oo awal hore haystey ragii raga ahaa ee lagaga cabsoonayay, maantase ay joogaan caruur aan caqli buuran iyo dareen ay wax ku fahmaan midna lahayn oo ku ogaadaan kan cadawga weyn u ah, ee madaxweyne muuse biixi  iyo kan nasteexa u ah ee umada kale ah, sababtoo, ah umada soomaliland waxa ugu wanaagsan ka iska kaa eegaya, ee aad cadkaaga ka goosan karto. Laakiin kan awalna cadawga kuu ahaa maantana cadaawadii madaxda kuugu noqdey, ee mar walba tusalaaha u soo qaadanaya in ay Gabiley Hargeysa u dhawdahay oo aanay gacantiisa ku jirin gobolnimadeedu. Waxa uu tusaale aan munaasib aheyn oo diidmo ah oo isyeel yeel ah, oo uu dareenkiisa iyo shucuurtiisaba ka muuqata oo ah mid aanu qarsanayn, oo aan muuse biixi mugdi kaga jirin.

Waxaan kaga hadlayaa mawduucaygan oo aan maanta qalinka u qaatey Madaxweynaha dalkan dumaaley ee Muuse Biixi iyo weerarka qaawan ee uu ku hayo gobolka Gabiley. waxa uu maanta doonayaa in Gabiley ka qaado oo ka gooyo, oo degmada Daara-salaam ee yabyabka ah ee aan taariikh iyo waxbaba lahayn hoos geeyo qeybo badan oo ka mid ah degmada Arabsiyo iyo qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka Agabar isagoo oo aynu ognahay inaynaan ka dagaalamin oo aynaan ku qisaasin waxna ka weydiin, tii waagii uu degmada Cali-Xaydh kaga jarey Gabiley, isagoo ah wasiirka arimaha gudaha wakhtigii xukuumadii marxuum Cigaal. waligii kama hadhin madaxweyne Biixi cadaawada uu u hayo Gabiley, waxaanu usoo marey meelo badan,oo aan maanta lagu soo koobo karin mid iyo hal.

Waxaa layidhi baribaa nin jaahil ah oo aan quraanka si fiicannu aqoon oo ah dadka aadka u madax adag ayaa eaxa qalbigiisa galey in uu aad u aamino allihii abuurey, kadibna wuxuu niyadiisa maalin walba iska weydiin jirey oo uu qalbiga galiyay, inuu jecelyahay, in uu arki lahaa illaahay, kadibna maalin ka mid ah maalmaha ayaa isagoo meel lugaynaya oo basahaquusis subaga sita ayaa arkey, maroodi weyn oo meel taagan kadibna waxa uu caqligiisii iska yidhi walaahi in badan ayaad raadinaysay in aad illaahay aragto, ee maanta waadigaa arkay ka dibna bashaquusistii subaga aheyd ayuu damcey inuu afka u galiyo. dabadeedna maroodigii ayaa intuu hacanka sudhey cirkaas la marey, intuu xaga sare ku maqnaa ayuu yidhi illaahayaw awalba adaa i abuurtaye ama samada i gee ama dhulka igu soo celi.

Waxaan uga socdaa intaa in aan kula hadlayo reer Gabiley oo aan ku leeyahay gudo iyo dibadba waar illaahay xoogiina ha idin tuso, oo ha idinka soo dhexsaaro kuwii noqon lahaa ee buuxin lahaa kaalintii mujaahid Xasan Yoonis Habane iyo ragii aan garanayay, allaahu yarxame. Waxaa dambi ah nin waliba wuu arkayaa maanta wuxuu samayanyo halkuu taagan yahayna. Weynu ognahay in aynu xisbigiisa kulmiye iyo wax ka hooseeya oo dawladiisa ah in aynu wax ka doonaa waa bilaa caqlinimo. Wey qoomamayan lahaayeen halgankii ay u galeen ragii hoydey qaarkood marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe iyo Jaamac Nuur iyo ragii kaleba—Alla ha naxariistee. Waxaan ku talinayaa reer Gabiley Gudo iyo dibedba, in ay diidaan oo gacmaha isku qabsadaan oo ay ka soo horjeestaan dhulkaa uu Gabiley ka jarayo oo hoosgeynayo Daara-salaam.

Muuse wuxuu bartey inuu maalin walba sidi ninkii waalnaa, ee yidhi waabad i xusuusiseen—weynu ognahay in uu Gabiley iyo Arabsiyo maalin walba ku soo noqnoqonayo.Soltelco, mayorka Hargeysa iyo ina Daarood, maareyaha wakaalada biyaha Hargaysa waxa ay doonayaan waa halaga jaro Arabsiyo ama qayb  ka mid ah gobolka Gabiley. Mayorka da’da yar  ee Arabsiyo haysta halaga foojignaado, waa nin ka amar qaata Wasaarada Arrimaha Gudaha oo doonaysa inay gobolka kala qaybiso. Maamulka Biixi waxa uu doonayaaa inuu adeegsado mayorka innu  ka jaro degmooyin gobolka Gabiley, ama bedelo xuduuda u dhaxaysa Hargeysa iyo Gabiley.

Najib Ismacil Maxamed

Gabiley, Somaliland

The views and opinions expressed on this piece  are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of  Gubanmedia.com. Any content provided by our bloggers or authors are of their opinion and are not intended to malign any religion, ethnic group, club, organization, company, individual or anyone or anything.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares