Waa in la joojiyaa musuqmaasuqa qaawan uu Dahabshil Group kula wareegay tamarta Somaliland

Hargeisa—Dhawaan ayey  ahayd  markii Madaxwaynaha Somaliland Muse Biixi xadhiga ka jaray mashruuca Bacado ee Shirkada Sompower ka hirgalisay waqooyiga magaalada Hargeysa, kaasi oo wakhti xaadirkan ay hirkadaasi u isticmaasho laydhka ay Bulshada Siiso.

Masuuliyiinta Ku hadlayay afka shirka sompower iyo xukuumada uu madaxwayne biixi gadhwadeenka ka yahay ayaa  fagaaraha ka sheegay in mashruucan uu ku baxay lacag gaadhaysa 20milyan kaasi oo ay bixiyeen saamilayda shirkadu. iyagoo gabi ahaanba, Meesha ka saaray in cid kale ka taageertay dhaqaalaha  ku baxay dabkan laga dhalinayo tamarta cadceeda.

Dhawaaqa kasoo baxay madaxwayne Biixi iyo masuuliyiinta shirkada sompower ayaa noqday mid dareeno kala duwan abuuray, wallaw, aan si cad loo garanayn sababta shirkada iyo xukuumaduba u qariyeen maalgalinta caalamiga ah ku bixiyey hirgalinta mashruucan lagu dhalinayo tamarta cadceeda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa shabakadda Wajaalenews u xaqiijiyey in Baanka Adduunku uu lacag badan Shirkadda Som-power ku caawiyay si ay arintan ugu sameeyaan. Waxana xogtaanu helnay intaasi ku dartay in wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland ay door laxaad leh ka ciyaartay in mashruuca la siiyo Shirkadda Sompower oo  saamiga ugu badan uu leeyahay mulkiilaha shirkada Dahabshiil Group.

In la daadifeeyo amaba la qariyo lacagta uu bixiyey Baanka Adduunku, waxay dhaawac xun ku keeni kartaa wada-shaqaynta ay leeyihiin Somaliland iyo Beesha Caalamku, gaar ahaan mucaawinooyinka iyo deeqaha la siiyo Somaliland, gaar ahaana Baanka Adduunku. arintanina, waxay sii xoojinaysa sumcad xumada Somaliland ay waayadan dambe la daala-dhacayso ee ay kala kulmaysay beesha caalamka.

Xogaha aanu helayo ayaa sheegaya in deeqaha Baanka Adduunku siiyo Shirkadda Sompower ay badankeedu la xidhiidho sidii shacaba loo gaadhsiin lahaa laydh jaban oo tayo leh, balse arintaasi aanay mar dambe shirkaddu samaynin. Wallow, masuuliyiinta shirkaddu ay xafladii maalintii dhawayd si af-gobaadsi ah madasha uga sheegeen inay qiimaha laydhka hoos u dhigi doonaan 20% (boqolkiiba labaatan) sidoo kale, deeqda Banka Adduunku siiyey shirkadda Sompower, waxa ku jira in iyagana dab laga dhaliyo magaalooyinka Burco iyo Gabiley. Iyadoo sida xogaha aanu ka helayso sheegayaan in ay jiraan haayado caalamiya oo iyana dhaqaale kusiiyay shirkada sompower hirgalinta laydhka laga dhalinayo tamarta Cadceeda,

Dhanka kale wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta jsl ayaa ahaa isagu Guddoomiye ku xigeenkii shirkada sompower, kaasi oo aan dhex u noqon Karin shirkadaha bixiya adeega laydh oo tartan ba,ani ka dhexeeya. Shirkadahaasina ayaa tiraba laba jeer ka cawday wasiirka sida uu wax u wado iyo caqabadaha uu ku hayo shirkadaha kale ee ka hawlgala magaalada hargaysa. Waxana jirta in wasiirku uu xataa dhagaha ka furaystay codsi uga yimid Madaxwaynaha oo ku aadan inuu arintaasi si odaynimo ah u dhammeeyo. Hasa yeeshee dhaqanka wasiirku ku sifoobay gabaygii Gaariye ee ahaa “Nin Dawee la leeyahay, Danbi Uu Badh leeyahay, Xalka doon Laleeyahay, Inuu Daaro Ma Ogola, Daaraanta Mirirka  ah, Ana Dayso Ma Ogoli”

Akhriste, la soco Taxanaha warbixintan oo aad u dheer. Qaybaha dambe-na aynu ku falanqayn doono xaddiga dhabta ah ee Baanka Adduunku ku wareejiyey Sompower!! waa sidee, Qaab dhismeedka shirkada Sompower!! Cidda iska leh Saamiga ugu Badan ee shirkada Sompower!! Maxayse kala leeyihiin Saamilayda ka kooban 35 Shirkadood!! Halkuu ku dambeeyey danbeeyay saamigii Xukuumadu ku lahayd laydhkii dawlada ee laga Iibiyay shirkadaha Dahabshiil Iyo Somcable!! Maxaase laga filan karaa ganacsi Somaliland oo u sii gacan galaya shakhsiyaad kooban!! Hadday-se kootadani hir gasho, culays intee leeg ay ku keeni kartaa shacabka Somaliland!! doorka xukuumaddu ay arintan ka ciyaaraysaa waa mid intee leeg!!

Wajaalenews

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares